Laba askari oo ku geeriyooday xarun militariga lagu tababaro Afgaanistaan

Laba askari oo ku geeriyooday xarun militariga lagu tababaro Afgaanistaan

Xarun lagu tababaro militariga oo ku taalla magaalada Kaabuul ee caasimadda Afgaanistaan ayaa la weeraray subaxnimadii saakay, iyadoona ay ku geeriyooday laba skari, tobana ku dhaawacmeen,  maalin kadib dhimashadii dadka badan boqol qof oo ku geeriyooday qarax kadhacay meel u dhow dhismaha wasaaradda arimaha gudaha ee Afgaanistaan.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Kaabuul ayaa sheegay kooxaha weerarka qaaday inay u suurto galin gudaha jaamacadda militariga ee Fahmim National inay gaaraan.

Weerarka saakay Isniinta ah ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish, oo ku sheegtay barteeda internetka inay dileen laba askari, tobaneeyo kalena ay dhaawaceen.

Saraakiisha dowladda Afgaanistaan ayaa sheegay afar kooxihii weerarka gaystay in ladilay, midna la xiray.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com