Laamaha Amniga o kulan ka yeeshay Amniga Gobalka Nugaal iyo howlgallada socda

Laamaha Amniga o kulan ka yeeshay Amniga Gobalka Nugaal iyo howlgallada socda

Ku simaha Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga Gobalka Nugaal iyo howlgallada socda.

Kulanka waxaa ka qayb galay taliyaha saldhiga Garoonka Diyaaradaha Garowe G/sare Axmed Cabdi Xirsi Jeego iyo Taliyeyaasha saldhigyada magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saaray xoojinta amniga Caasimada Puntland iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Booliska ay ka sameeyeen daafaha Magaalada, laguna Xoojinaayay ka hortagista falalka Gurucan,ladaalanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo waxa loogu yeero Argagixisada si looga hortago.

Ku simaha Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa sheegay in muhiim ay tahay xoojinta amniga dalka, isla markaana looga hortago falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa si wada jir ah warbxiin looga dhageystay Taliyaasha Saldhigyada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan kuwaas oo warbixin dhameestiran ka dhiibay amniga Gobalka Nugaal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com