Laamaha amaanka Muqdisho oo kawarbixiyeey khasaaraha qaraxyadii xalay

Laamaha amaanka Muqdisho oo kawarbixiyeey khasaaraha qaraxyadii xalay

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in gaariga qarxay uu ahaa Primeo- Toyota ah, midabkiisu caddaan yahay uuna ku qarxay saacaddu markii ay ahayd 7:10 PM fiidnimo meel ay ku yaallaan goobo ganacsi oo u dhaxaysa Isbitaalka Yardimeli iyo Dugsiga Janaraal Kaahiye.

Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ay jiraan dhaawacyo 8 ruux oo 4 kamid ah ay qabaan dhaawacyo fudud iyo bubur ganacsiyo yaryar oo meesha ku yaallay waxayna intaas raacisay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax dhimasho ah.

Janaraal Zakia ayaa dhammaan shacabka iyo bahda warbaahinta u sheegtay in ay ka fogaadaan goobaha ay qaraxyada ka dhacaan ilaa ay laamaha amniga ay ka xaqiijiyaan in meesha la tagi karo.

“Waxaad ogtihiin khatarta ka dhalan karta qaraxyada labaad ee lala beegsado dadka ku soo xooma goobta uu qaraxii hore ka dhacay. Waxaad marqaati ka tihiin in dad badan oo ay suxufiyiin ku jiraan ay inooga dhinteen weerarrada nuucaan ah ,sidaas darteed anagoo ku dadaaleena badbaadada shacabka, ciidamadu ma ogolaan doonaan in goobaha qaraxyadu ka dhacaan lagu soo yaaco ilaa laga hubiyo inuusan qarax kale oolin goobta.” ayay tiri Janaraal Zakia

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tiri “Annagoo ka jawaabeyna codsiyada ka yimid shacabka Gobolka Banaadir waxaa Ciidanka Booliiska ay maanta hirgaliyeen khad telefoon oo ay si fudud shacabka noogala soo xiriir karaan, idinka oo si toos ah nooga soo wici kara 991 oo 24ka saac diyaar ah.

Ugu dambeyn Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kula talisay shacabweynaha in ay masuuliyad iska saaraan ilaalinta gawaaridooda iyo meelaha ay dhigayaan maadaama ay marar badan dhacday in qaraxyo loogu xiray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com