Laacib u Dabaal Degayey Goal uu Dhaliyey oo Lugta Ka Jabay (Sawirro)

Laacib u Dabaal Degayey Goal uu Dhaliyey oo Lugta Ka Jabay (Sawirro)

Mid ka mid ah laacibiinta ka ciyaara horyaalka dalka Germany ee Bundesliga ayaa dhibaato weyn qabsatay ka dib markii isaga oo farxad ku jira uu lugta iska jabiyay taas oo sababtay in uu garoomada Caalamiga ah ka maqnaan doono mudo 7 bilood ah .

Nicolai Müller oo u safta kooxda Hambrug ee horyaalka dalka Germany ayaa kulan ay 1 -0 kaga badiyeen naadiga Augsburg wuxuu dhaliyay goolkii guusha in kastoo asoo dabaal dagaayo hadane garoonka laga saaray isaga oo xanuun la ilmeenaya .

Ciyaaryahan Nicolai Müller oo kufay ayaa waxa uu ka jabay lugta midig , gaar ahaan Jilibka kaas oo farxadiisii ay isku badashay murugo iyo in garoonka laga saaro wuxuuna garoomada caalamiga ah ka maqnaan doonaa mudo 7 bilood ah .

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com