LAACAANOOD OO SAAKA DEGGAN IYO ISSIMADII KOONFURTA OO TAGAY FURAHA DAGAALKA.

LAACAANOOD OO SAAKA DEGGAN IYO ISSIMADII KOONFURTA OO TAGAY FURAHA DAGAALKA.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa saaka deggan oo aan wax dagaal ah ka socon kadib markii shalay uu halkaasi ka dhacay mid ka mid dagaalladii ugu cuslaa ee dhaca tan iyo markii Somaliland ay duullaanka colaadeed ku soo qaadday.

Dadka abaabulan ee deegaanka, kuna jira difaaca ay naftooda iyo maalkooda ku illaashanayaan ayaa uu sugan goobihii ay shalay gaareen ee dhinayada bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood, meelahaasi oo badankoodu ah fadhiyo shalay lagala wareegay Somaliland ama laga kiciyey ciidankooda.

Somaliland ayaa shalay ku gooddiday in ay qaadi doonto weerar qorshaysan oo ku aaddan Laascaanood, inkastoo markastaba weeraradu ay ahaayeen kuwo xaggooda ka imaanayey sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen hadal hayeennada SSC ee halganka is difaacidda ah ku jira muddada labada bilood ku dhaw.

Dhinaca kale maanta magaalada Laascaanood waxaa gaaray issimadii dhaqan ee dhawaan ka yimid koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo labo casho ku sugnaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana isla saaka ay u sii gudbeen jiidaha dagaal.

Ujeedada safar ee issimadaasi u tageen Laascaanood, uguna sii gudbeen isla saaka furaha dagaalka ayaa daarranayd xaqiiqo raadin la xiriirta colaadda ka aloosan gobolka iyo duullaanka Somaliland ku soo qaadday magaalada Laascaanood.

Issimada ayaa indhahooda ku arkay burburka lixaadka leh ee Somaliland u geysatay magaalada Laascaanood, goobaha la bartilmaameedsaday, noocyada hub ee la adeegsaday iyo waxyeellada dadka rayidka ah soo gaartay.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com