La-taliyaha arrimaha Saxaafada ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay wariyaasha Muqdisho

La-taliyaha arrimaha Saxaafada ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay wariyaasha Muqdisho

La-taliyaha arrimaha Saxaafada ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay heheliyaan La-taliyaha Amniga iyo Siyaasada, Agaasimaha Warfaafinta, Agaasimaha habmaamuska, u qeybsamaha arrimaha UNSOM iyo Agaasimaha guud ee Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabaka ayaa maanta waxay kullan mira dhal ah la qaateen Weriyaasha ka shaqeeya warbaahinta madaxbanaan ee ka howlgala Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka oo ahaa sidii loo kala warqaadan lahaa iyo caqabadaha ay kala kulmaan inta ay ku guda jiraan howl maalmeedkooda iyagoo soo jeediyey in ay caqabadaha yar yarka ah ee ku gedaaman shaqadooda loo fududeeyo ay Qaranka uga gudbiyaan Sawir iyo Muqaal Qurxoon.

Mas’uuliyinta kulan hoggaaminaaysay oo Weriyaasha su’aalooyinka mid mid uga jawaabaayey ayaa waxay shegeen in mas’uuliyad guud ay kawada saarantahay u shaqeynta Qaranka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

La-taliyaha Amniga & Siyaasada mudane Maxamed Xasan Idris, La-taliyaha arrimaha Saxaafada mudane Salmaan Jamaal Siciid iyo Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ugu dambeyn soo xiray kulanka ayaa weriyaasha iyo warbaahinta ay ka shaqeeyaanba kula dardaarmay in la xaliyo wixii culeysyo shaqo ah loona shaqeeyo Qaranka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com