HomeUncategorized

Kuwait $10 milyan ku bixinasya dhismaha garoonka Garoowe iyo jaamacada Maakhir ee Badhan

Garoowe, October 9, 2013 - Dowladda Puntland ayaa guul muhiim u ah horumarka ku tilmaantay heshiis ay la gashay dowladda Kuwait, taas oo balanqaaday dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo jaamacada.

Kullan looga hadlay ka hortaga maraakiibta Jiriifka oo lagu qabtay Boosaaso ( Dhegayso)
?Mushkilada Laascaanood waa xasuuqa Falastiin oo kale, haddii aysan Puntland xorayna shacabku ayagaaba dhaqaaqi doona? Gaashaan.
Xisbul-Islaam oo amaro ku soo rogay Beledweyn oo ay ka arrimiyaan.

Garoowe, October 9, 2013 – Dowladda Puntland ayaa guul muhiim u ah horumarka ku tilmaantay heshiis ay la gashay dowladda Kuwait, taas oo balanqaaday dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo jaamacada Maakhir ee magaalada Badhan.

Wasiirka maaliyada ee Puntland ?Faarax Cali Shire ayaa sheegay in dowladdu ay heshiis la gashay Kuwait kaas oo lagu gudoomay $10 milyan oo dollar oo lagu dhisayo garoonka Garoowe iyo jaamacada Maakhir oo yeelanaysa qaybo cusub, sida aan ka soo xiganay GaroweOnline.

Faarax Cali ayaa sheegay in heshiiska Puntland iyo Kuwait uu? salka ku hayo balanqaad uu sameeyey Amiirka Kuwait 2010-kii, xilligaas oo madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole uu booqday boqortooyada kalana hadlay arrimo horumarineed.

?Garoonka waxaa laga dhigi doonaa mid casri ah oo markasta gaadiidka cirka isticmaali karaan, Jaamacada ayaa sidoo kale noqonaysa 8 kuliyadood oo hadda la dhisayo iyo meelo ay Ardaydu degaan oo jaamacada ka mid ah.? Ayuu yiri wasiir Faarax Cali shire.

Wasiirka maaliyada ee Puntland waxaa uu sheegay in si toos ah howsha loo bilaabi doono, kadib marka ay dhowaan dalka soo gaaraan xubno ka tirsan Kuwait oo eegi doona sida ay howshu ku bilaabanayso iyo sida loo dhamaynayo qorshaha dhismaha.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: