Kuuriyada Waqooyi oo furaysa xiriirkii Isgaarsiin ee kala dhaxeeyey Koonfurta

kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay dib u furi doonto qadkii Isgaarsiineed ee Kuuriya Koonfureed kala dhaxeeyey, si’ay usuurto geliso ka qaybgalka cayaaraha Winter Olympics ee afartii sano mar la qabto ee ka dhacaya sanadkan bishiisa labaad wadanka Kuuriyada Koonfureed oo ay ka qaybglayaan koox kasocota dalka Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda wararka ee Yonhab ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay qadka labada dal ee isgaarsiinta in la furi doono maanta oo arbaco ah saacadda 06:30 GMT.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu sheegay inuu furayo wadahadal Kuuriyaha Koonfureed uu ugu dirayo koox cayaartooy ah.

Labada dal ayaan wax xiriir wada hadal ah yeelan tan iyo sanadkii 2015kii bishii December.

kuuriyada Waqooyiga go’aankan waxaa ay kaga dhawaaqday hadal ay ka jeedisay talfishinkeeda qoraal laga soo jeediyay.

Kim Jong Un ayaa sheegay labada dal inay ka wada arrinsanayaan qorshayaal kusaabsan koox loo dirayo wadanka Kuuriyada Koonfureed si’ay uga qaybgalaan cayaaraha Winter Olumpics ee furmaya bisha Febraayo.

 

 

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa saaran cadaadis caalami ah oo lagu ciqaabayo tijaabinta gantaaladeeda xambaara madaxyada Nuclearka.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com