Kurdiyiinta oo dhaqan galiyay heshiiskii xabad joojinta

Ciidanka Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay isaga baxayaan goobaha ku dhow xadka ay wadaagaan Siiriya iyo Turkiga

Ciidanka kudiyiinta ayaa ka baxaya masaafo dhan 30 km (19 miles) si loo dhaqan geliyo heshiiskii xabad joojinta ahaa ee la galeen Turkiga.

Turkiga ayaa duulaan xoogan ku qaaday Ciidanka Kurdiyiinta bishan Oct. 9 2019, kadib markii ciidamadii Mareykanka ee ku sugnaa Waqooyi Bari Siiriya ay ka baxeen

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku heshiiyey bishan Oct. 22 in Ciidanka booliska Ruushka ee sida Milatariga u tababar ilaalin doonaan amniga masaafo dhan 30km xadka u dhexeeya Siiriya iyo Turkiga

Turkiga ayaa Kurdiyiinta u aqoonsan urur argagixiso oo khatar ku ah amniga Turkiga.

Xabad joojinta u dhexeysa Ciidanka kurdiyiinta iyo Turkiga ayaa waxa lagu daray lix maalmood oo dheeri si Ciidanka kurdiyiina uga baxaan goobaha u dhow xuduuda ay wadagaan Siiriya iyo Turkiga

Dowladda Siiriya ayaa soo dhaweysay ka bixitaanka Ciidanka kurduiyiin goobaha u dhow xuduudda ay wadaagaan Turkiga iyo Siiriya
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com