Kuliyaddii Ciidamada Jaalle Siyaad oo dib loo howlgalinayo (sawiro)

Kuliyaddii Ciidamada Jaalle Siyaad oo dib loo howlgalinayo (sawiro)

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanood, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac (B.Goobe) iyo saraakiil kale ayaa kormeer ku tagay kuliyadda Jaalle Siyaad oo ay xarun u tahay ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howl-galka Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cutub ka mid ah ciidanka AMISOM ee Burundi salaan sharaf ka qaatay, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay wakiilka midowga Afarica ee Somalia Mr.Francisco Jose Maderia iyo saraakiisha ciidanka Burundi ee saldhiga u ah kuliyada Jaalle Siyaad, madaxweynaha ayaa ka xog waraystay xaalada xerada iyo dadaalada ciidanka Burundi ay wadaan kaasoo ku aadan howlgalka dowladdu ku cirib tirayso argagaxisada Al Shabab.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia Mr.Maderia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu yahay masuul ay ka go’an tahay dhismaha ciidan xooggan uu dalka yeesho iyo in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab,wuxuuna tusaale usoo qaatay sida uu ugu soo guuray wasaradda Gaashaandhigga oo mudooyinkii danbe ku shaqaynayay.

Kulanka marka uu soo idlaaday Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay kuliyada Jaale Siyaad, wuxuuna ku amaanay ciidanka AMISOM siday xilli kasta ugu heelan yihiin dowladda iney ku garab siiyaan sidii Al-Shabaab loogu adkaan lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay Wasaradda Gaashaandhigga oo u saaka dib uga bilaabay shaqo maalmeedkiisii.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • sheekadaa ummada ku madadaalin xagee dhaqaalo looga keenaya waanu ogasoonahay in dakada Airport ka kaliya uu dhaqaaluhu ka soo galo dawlada ku jirta mooshin ku dabaqan BOOB taasi Macno yeelan Mayso ee Mushaxarada ciidamada aad XADEEN dib u celiya XAARANTA waa DANBANE YAAN been loo sheegin saxaafada & aduunka world number corruption Somalia everybody knows

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com