Kulankii Barlamaanka oo maanta Korom la’aan u booqday

Fadhigii 11aad ee Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kooram la’aan u baaqday, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii loogu tala galay inuu kulanka ku furmo.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu saacadaha badnaa ee loo sugo, si uu kooramka u buuxsamo ayaa waxaa soo xaadirtay 132 Xildhibaan, halka 7 xildhibaan ay ka dhineyd kooramka si uu u furmo kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu kooram la’aan u baaqday, waxaa uu ka dalbaday Xogheynta Baarlamaanka inay yeeriyaan Liiska Xildhibaanada ka maqan fadhiga, si loola xisaabtamo.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta u balansanaa akhrinta labaad ee Xeerka Batroolka, kaasoo ay soo meel marisay Xukuumadda, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda laga doodo Xeerkan.

Xeerka Batroolka ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, iyadoo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay dadaal badan ugu jirto sidii uu sharcigan u meel mari lahaa, Baarlamaankana uga gudbi lahaa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com