Site icon Radio Daljir

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo markale baaqday iyo Xildhibaanada oo gacmaha iskula tagay (daawo)

Kulankii baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa kalfadhigii 5-aad ayaa maanta baaqday kadib markii buuq iyo sawaxan uu hareeyay hoolka baarlamaanka Soomalaiya.

Kulankan ayaa waxaa loo madalsanaa in looga doodo amniga magaalada Muqdisho oo faraha ka baxay mudooyinkii udambeeyay waxaana loogu yeeray Wasiirada Amniaga,Gaashaandhiga iyo Taliye yaasha ciidamada.

Waxaa cod lagaliyay in kulnkan ay Saxaafada goob joog ka noqoto iyo in dibada looga saaro, waxaana ogolaaday 104 Xildhibaan, waxaan diiday 42 Xildhibaan

Buuq iyo sawaxan ka dib waxa uu Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay ugu dambayn in kulankii maanta uu baaqday.

Back to Home page