Kulankii Baarlamaanka ee Maanta La Filayay oo baaqday

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta La Filayay oo baaqday

Kulankii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu waday maanta oo Arbaco ah inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yimid dib u dhac.

Sida ay xaqiijiyeen howlwadeeno katirsan xarunta Golaha Shacabka, waxaa uu baaqday kadib qoraal uu soo gaarsiiyay golaha kusimaha guddoomiyaha baarlamaanka Cabdiwali Muudeey.

Kulanka ayaa maanta loo balansanaa inuu khudbad ka jeediyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo todobaadkan iska casilay xilka, iyadoona maalinimadii shalay mar uu warbaahinta la hadlay uu sheegay maanta oo Arbaco ah inuu xilka wareejin doono, kadib khudbad uu golaha uu ka jeedin doono.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com