Kulan mudo sadex bari ah ka socday Garoowe oo laga soo saaray bayaan ku saabsan dhawrista Madaxbanaanida Fikirka iyo Warbaahinta.

?

Garoowe Oct 03- Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa shalay galab ku soo gabagaboobay Kulan mudo sadex maalmood ah ka soconayay kaasoo looga doodayay laguna falan-qaynayay Madaxbanaanida Fikirka iyo Warbaahinta.?
?
Kulankan oo qabanqaabadiisa ay iska kaashadeeen Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP, Wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo dhaqanka Dawlada Puntland iyo Xafiiska Siyaasadda ee QM UNPOS United Nations Political Office and Security ayaa waxaa lagu marti qaaday Warbaahinta, Dawlada, Bulshada Rayidka ah, Hay?adaha caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah.
?
Gabagabadii kulankan ayaa ka qaybgalayaashu waxay ka soo saareen baaq ay si wada jir ah qalin uguduugeen Wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo dhaqanka Dawlada Puntland iyo Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP.?
?
Kulankan intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay Waxyaabaha ay ka qorayaan Xoriyatul-qawlka iyo Madaxbanaanida Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliya iyo sidoo kale Qawaaniinta Caalamiga ah iyo waxyaabaha ay arrintan ka qorayaan.?
?
Ujeedada ugu weyn ee kulankani lagaa lahaa ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa Madaxbanaanida Fikirka, Xuquuqda Warbaahinta iyo dardargalinta xuquuqul insaanka wuxuuna kulankani gogol xaar u ahaa kulamo kale oo dib u eegis loogu samayn doono Shuruucda, Xeerarka iyo Siyaasadaha Warbaahinta Puntland.
?
Muddadii uu socday kulankan waxaa khuadbado iyo Casharo badan ka bixiyay Khuburo badan oo isugu jirta Saxafiyiin, Cilmibaarayaal iyo Xirfadlayaal dhanka Xuquuqul aadanaha ah.
?
Diiwaanka Wararka
?
Radio Daljir d
?
Silver

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com