Kulan looga hadlayo ammaanka Soomaaliya oo ka furmaya Muqdisho

Kulan looga hadlayo ammaanka Soomaaliya oo ka furmaya Muqdisho

Kulan heer sare ah oo ay ka qaybgalayaan safiirada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya, saraakiisha AMISOM, madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa arimaha la dagaalanka Al-shabaab, la wareegista amaanka ciidamada xoogga dalka iyo soo bandhigidda qorshayaasha ay ku howlgalayaan ciidamada dowladda ee qaadi doona howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay shirkan inuu hogaamin doono madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu xusay in diiradda lagu saarayo shirarkii London kadhacay iyo waxyaabihii looga wada hadlay.

Wasiirka ayaa geesta kalle sheegay in maalinta berito uu furmi doono shir looga hadlayo arimaha maalgashiga Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com