Kulan la xiriira hormarinta amniga qaar ka mid ah gobollada Puntland oo maanta ka furmay Garoowe.

Garowe, July 16 – Shir ballaaran oo ku saabsan dar-dar gelinta amniga Puntland ayaa
maanta ka furmay magaalada Garoowe Kaas oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen wasaaradda amniga iyo hub ka dhigista Puntland iyo hay’adda cilmi-baarista Puntland ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaanno PDRC.

kulanka oo maanta si toos ah uga furmay guriga shirarka ee hay’adda cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka kala socday golayaasha dawladda Puntland, mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha kala duwan iyo weliba qeybaha bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga iyo hub ka dhgista Puntland Cali Maxamed C/raxmaan (Cali hayaan) oo shir jaraa’id ku qabtay isla goobtaas ayaa sheegey in kulankaan diiradda lagu saarayo xaaladda amni ee gobolada Sool, Nugaal iyo karkaar, agaasimuhu wuxuu kaloo uu xusey in dadka ka soo qeyb-galay kulankaan laga uruurindoono talooyinka ku aaddan horumarinta amniga gobolladaas.

Agaasimaha ayaa mar su’aalo laga weydiiyey sababta keentey in saddexdaas gobol oo kaliya laga soo xusho gobollada kale ee Puntland ayaa waxaa uu sheegey in ay jiraan kulamo kale oo looga hadlidoono xaaladda amni ee gobollada harsamn.

kulanaan ayaa ku soo beegmaya xilli degmooyinka waaweyn ee Puntland qaarkood ay ka jiraan falal amniga xumo kuwaasi oo u badan dilal qorshaysan oo lala bar-tilmaameedanayey inddheer-garad bulshada.

Cabdi Xasan Rooble Awoowe
Daljir Garoowe

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com