Kulan kusaabsan Xuquuqda Haweenka oo Boosaaso lagu qabtay ( Sawiro)

Boosaaso Dec 23, Kulankan wacyigelinta ah oo ay soo qaban qaabisey Hay`ada GRT oo gacan ka heleysa Hay`ada Qaxootiga Q,M ee UNHCR iyo Hooyada iyo Dhalaanka ee UNICEF ayaa lagu qabtey hotelka Juba ee magaalada Boosaaso waxaana looga hadlaayey tacadiyadaha loo geysto bini`aadamka gaar ahaan dumarka waxaana kasoo qeyb galay nabadoono masuuliyiin ka socotey Hay`adaha samafalka, gudiyada 16-ka xaafadood ee magaalada Bosaso iyo gudiyada 32-kaam ee ay kudhaqan yihiin dadka soo barakacay.

?
Ugu horeen waxaa ka hadley kulankan looga wacyi gelinaayey bulshada tacadiyadaha kadhasha xad gudubka Maxamuud Ciise oo ah madaxa heyada GRT ee gobolada Puntland wuxuuna faahfaahin kabixiyey ujeedada kulankan,
?
Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada D/Hoose ee degmada Boosaaso Maxamuud Siciid oo kamid ahaa masuuliyiintii kahadashey kulankan looga wacyigelinayey Bulshada tacadiyadaha kadhanka ah bini`aadantinimada haba ugu horeeyaan dumarka oo ah dadka unugul tacadiyadaha ayaa ugu baaqey bulshada in ay ka qeybqaataan joojinta xad gudubyada lagula kaco dumarka sida kufsiga,
?
Ma ahan kulankii ugu horeeyey oo ay soo qaban qaabiso hay’ada GRT kulan si wada jir ah ay ugaga soo qeyb galeen dadka deegaanka iyo barakacayaasha oo looga arinsanayo joojinta tacadiyada lagula kaco dumarka .
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir Boosaaso
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
\"\"

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com