Kulan ku saabsan doorka Haweenka ee Arrimaha siyaasadda oo Muqdisho ka furmay

Kulan ku saabsan doorka Haweenka ee Arrimaha siyaasadda oo Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho Waxaa lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen haween ka tirsan golaha shacabka, Aqalka Sare iyo Haweenka Ururada Bulshada Ra’yidka waxaa kulanka looga hadlay sidii loo sameyn lahaa is gaashaa-buursi ku aadan sidii la isugu xiri lahaa Haweenka siyaasada ku jira iyo kuwa bulshada ra’yidka, sida loo sameyn karo xeerar haweenka ka caawiya dhinacyada Bulshada, Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo Siyaasada.sidoo kale waxaa lagu qaadaa dhigay qorshayaasha ay haweenka Sameyn karaa si 2020 ay door muuqda uga qaataan siyaasada dalka.

Haweenka hogoomiyaasha ka ah Ururada Haweenka ayaa xubnaha xildhibaanada u soo jeediyay in ay xoog badan galiyaan sidii wadashaqeynta iyo iskaashiga loo hagaajin lahaa iyaga oo ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen kaalintii isku xirka iyo horumarinta haweenka Soomaaliyeed.

Saynab Maxamed Xasan ( Siraad ) oo ah aas aasaha Dhaqdhaqaaqa SGEM oo ka shaqeeyo in raga iyo dumarka ay si isku mid ah uga faa’iideystaan fursadaha jira ee dhinacyada shaqada, waxbarashada, iyo Siyaasada soona qaban qabisay kulanka ayaa “ tiri muhiim ayay inoo tahay in aan is wada aragno si waxyaabaha jira iyo waxa soo socda looga fikiro, waxa uu ahaa in is aragaani uu dhaco mar hor laakiin maanta ayuu ku soo beegmay”

Zahra Maxamed Axmed oo ah la taliyaha dhanka Sharciga ee SWDC ayaa tiri “ waxa aan dadaal ku soo bixinay in haweenka kaalin muuqata ay ku lahaadaan siyaasada haddii aynu nahay haweenka Bulshda Ra’yidka balse waxaa muhiim ah in hadda fadhiga aan ka wada kacno si aan ugu tabaabusheysano 2020 oo ah xili oday uusan wax ku siin doonin.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com