Kulan khadka telephone-ka ah oo uu kasoo qayb galay R’wasaaraha dawlada FS oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo, Oct 14- Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 14ka bisha 10aad 2012ka magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu qabtay kulan weyn oo ay soo qaban qaabiyeen waxgaradka labada dhinac ee magaaladda, sidoo kalana goob joog ay ka ahaayeen maamulka.

Kulankan waxaa hadalo soo dhawayn iyo talo soo jeedin u badan xukuumad talo iyo karti leh ka jeediyay saraakiil maamul,siyaasiyiin,nabadoono iyo haween ayaa sidoo kale waxaa khadka taleefoonka kaga soo qayb galay Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid”.

Furitaankii kulankan waxaa ka hadlay Muuse Dheere oo ka mid ahaa soo qaban-qaabiyaashii kulanka wuxuuna bulshada ka soo qayb gashay uu u sharaxay ujeedka kulankani, Ugu horayn waxaa kulanka furay gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee dhanka Puntland Axmed Muuse Nuur, waxaana uu si weyn u soo dhaweeyay kulanka isagoo sheegay inay ka Puntland ahaan mar horeba soo dhaweeyeen hadana ay ka filayaan mudane Saacid hadii uu soo dhiso xukuumadd hanata kalsoonida shacabka inay qaban doonaan kulamo waaweyn oo ay ku muujinayaan dareenkooda rabitaan, Mudane Nuur ayaa xusay inay ka shaqaynayaan sidii ay taageero dhan walbaa ay ugu fidin lahaayeen dawladda cusub ee Soomaaliya.

Nabadoon C/laahi Maxamed Nuur? oo ka mid ahaa xubnihii kulanka ka hadlay ayaa muujiyay dareen ay farxad ku laran tahay, waxayna Ra’iisul wasaraha ka codsadeen inuu soo dhiso gole dalka iyo dadka hormar iyo guul u horseeda, nabadoonada ayaa muujiyay tilmaamo ay ka muuqdeen sida ay ugu faraxsan yihiin xilka dhawaan loo magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid”.

Xildhibaan Siciido Geele Diiriye oo ka mida mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo kulanka ka hadashay ayaa si faah-faahsan oga hadashay aqoonta uu Soomaalida ku dhex leeyahay mudane Saacid waxayna tilmaamtay in masuulkaasi oo si weyn oga dhex muuqday arimaha ganacsiga , iyadoo dhanka kalana sheegtay inay ka baarlamaan ahaan si kal iy laab ah u soo dhawaynayaan.

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid” ayaa gabagabadii kulanka khadka la soo galiyay wuxuuna si farxad ay ku dheehan tahay ugu hambalyeeyay shacabka gobolka Mudug, Ra’iisul wasaaraha ayaa carabka ku dhuftay in Mudug ay tahay dhul Soomaaliyeed oo taariikh mug weyn ku leh dawladnimada iyo midnimada Soomaaliya, wuxuuna bulshada ku booriyay inay ka shaqeeyaan sidii dalka marxalada adag looga saari lahaa, shacab iyo dawladna la isaga kaashan lahaa samata bixinta dalkan ay dagaaladu ragaadiyeen.

Si kastaba kulankan ayaa ku soo aadaya xili gudaha iyo dibada ay ka dhaceen kulamo iyo dibad-baxyo lagu muujinayo shuccurta shacabka ee soo dhawaynta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, lagana sugayo dhawaan inuu hortago baarlamaanka iyadoo laga dhawrayo inuu soo dhiso xukuumad waxqabad leh.

Diiwaanka Wararka daljir

(S)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com