Kulamo madaxweynaha Somalia uga bilowday Hindiya

Oktoobar 29, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka midyahay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa gaaray dalka India, iyadoo garoonka New Delhi ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta Dowladda Hindia iyo danjiraha Soomaaliya u jooga magaalada New Delhi.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shir u dhaxeeya India iyo wadamada Afrika kasoo looga hadlayo iskaashiga ay India la leedahay dalalka Qaaradda Afrika.

Shirkan oo ay tahay markii saddexaad ee la qabto heerkiisa ayaa ayaa waxa uu furmi doonaa 29-ka October oo berito ah, Soomaaliyana waxa ay u tahay fursad weyn iyadoo dowladda Soomaaliya iyo wadanka India ay si gaar ah uga hadli doonaan sidii kheyraadka iyo korontada la isaga kaashan lahaa sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Sidoo kale Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadan doona Ra’isulwasaaraha dalka India iyo madaxda wadamada Afrika ee shirka ka qeybgalaya.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com