Ku Dhawaad 100 Shil iyo Dhimashada 4 Kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Ku Dhawaad 100 Shil iyo Dhimashada 4 Kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

War qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya lagu dilay Afar ka mid ah shaqaalaha gar gaarka bini’aadnimo intii u dhaxeysay bilihii January ilaa iyo June.

Xafiiska Hay’adda arrimaha bini’aadanimada {OCHA} ayaa sheegtay in ay dhaceen 90 shil kuwaasi oo saameeyay shaqaalaha gar gaarka, waxaana shaqaaqoouyinkaas ku dhintay 4 shaqaalaha gar gaarka halka ay ku dhaawacmeen sagaaal kale sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqaalaha ay dhibka ugu badan kala kulmayeen ururka Al-shabaab kuwaasi oo u geysta dil iyo in ay ka qaataan lacago madax furasho ah.

Sidoo kale (OCHA) ayaa sheegtay in dhibaato xoogan ay kala kulmaan shaqaalahooda kooxo maleyshiyaad ah oo ku sugan Waajid, Diinsoor iyo qeybo ka mid ah magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com