Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo Guddoomiyay Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay (Daawo)

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo Guddoomiyay Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay (Daawo)

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed iyo Maqaamka Caasimadda.
Kulanka maanta ayaa ugu horrayn waxaa looga dooday xulashooyinka Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed uu yeelanaayo ee la midka ah hannaanyada dawladeed ee caalamka ka jira, waxaana la isku af-gartay in doodda la sii wado, natiijada kasoo baxdana lagu soo celiyo tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Mas’uuliyiinta ka socday Hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale ka dooday maqaamka caasimadda Soomaaliya ay ku yeelanayso hanaanka federaaliga ah ee dalka, waxaana xulashooyin sedax ah oo shirka lagu soo bandhigay iyana laga yeeshay dood ballaaran.

Ugu dambayn shirka ayaa looga hadlay wax-qabadkii tubta siyaasadda loo dhanyahay ee sedaxda bilood ee ugu horraysay sannadkaan 2019, iyada oo ku-simaha Ra’iisul wasaaruhu faray dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubta in ay soo gudbiyaan wax-qabadkoodii.

Hoos kadaawo Shirka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com