Ku simaha m/weynaha PL Gen. C/samad Cali Shire oo kulamo wada tashiya ka bilaabay Qardho

Qardho, Jun 09- M/weyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha m/eynaha Gen. C/samad Cali Shire iyo xubno ka mida golayaasha dawladda ayaa maalmahan danbe magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxay ka bilaabeen kulamo looga hortagayo kooxo dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay magaaladaasi oo ka soo horjeeda nidaamka hadda socda.
?
Wararka laga helayo magaalada Qardho ayaa sheegaya in kulamo hoose ay u biloowdeen xubnaha uu horkacayo m/weyne ku xigeenka iyo waxgaradka deegaanka kaasoo la iskula ifinayo sidii looga soo wada horjeesan nabad gelyada iyo dimuqraadiyadda Puntland.
?
Xubnaha m/weyne ku xigeenka ku weheliya kulamadiisa Qardho waxaa ka mida wasiirka amniga Col. Khaliif Ciise Mudan iyo saraakiil kale.
?
Xiriiro kala duwan oo aanu la samaynay masuuliyiinta dawladda ee kulamada ka wada magaalada Qardho ayay inoo suura gali wayday inay helno, balse waxaynu isku dayaynaa inaynu bulshada u soo gudbino nuxurka kulamadaasi.
?
Si kastaba kulamada lagu xoojinayo amniga loogana hadlayo ka hor tagista fal-qaladooyinka siyaasadeed ee dawladda looga soo horjeedo ayaa ku soo aadaya xili dalka uu ka maqan yahay m/weyne Faroole oo booqanaya dalka Australia oo uu ku noolaa ka hor intuusan noqon Madaxweynaha ?Puntland.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Galkacyo

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com