ku dhawaad 1,300 oo qof oo lagu xidhay Ruushka, ka dib mudaharaado ka dhacay dalkaas

ku dhawaad 1,300 oo qof oo lagu xidhay Ruushka, ka dib mudaharaado ka dhacay dalkaas

In ka badan 1,300 oo qof ayaa xabsiga la dhigay, ka dib mudaharaado ka dhacay dalka Ruushka kuwaas oo looga soo horjeedo go’aanka madaxweyne Putin ee ku aaddan in la abaabulo qaybo ka mid ah dadka rayidka ah si ay uga dagaalamaan dalka Ukraine, sida ay sheegeen koox si dhow ula socotay hawlgallada ciidamada booliska.

Kooxdan dabagalka oo lagu magcaabo OVD-info ayaa diiwaangelisay in la xidhay ugu yaraan 1,332 qof oo ka qaybgelayey debedbaxyo ka kala dhacay illaa 38 magaalo oo dalka Ruushka oo dhan ah, ka dib markii khudbadda jeediyey madaxweyne Putin.

Mudaharaadadan ayaa ahaa kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca dalka Ruushka tan iyo markii ay bilawdeen hawlgallada uu Ruushku ka fulinayey dalka Ukraine, bishii February ee sannadkan.

Saxafiyiin ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan badhtamaha caasimadda Moscow ayaa sheegay in booliska rabshadaha ka hortagaa inay xidheen ugu yaraan 50 qof oo ku sugnaa suuq laga dukaamayso.

Saxafiyiin kale oo ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan caasimaddii hore ee Ruushka ee St. Petersburg ayaa iyaguna arkay booliska oo hareereeyey koox yar oo mudaharaad samaynaysay, ka dibna xabsiga u taxaabay.

Debedbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin “ma jiro abaabul”

“Qof walba wuu cabsanayaa, anigu waxaan u taaganahay nabad, mana doonayo inaan xabbad rido. Laakiin hadda in debedda loo soo baxo waa mid aad khatar u ah, haddii kale waxaa jiri lahaa dad badan oo shaaracyada yimaadda,” ayuu yiri Vasily Fedorov, oo ah arday u ololeeya nabadda.

“waxaan u soo baxay inaan ka qayb galo banaanbaxa qorshaysnaa, hase ahaatee waxay u muuqataa in mar horeba la xidhxidhay qof walba” ayuu yidhi Alexei oo ah 60 jir, diiday inuu bixiyo magaciisa oo dhamaystiran.

Wasiirka Difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu ayaa sheegay in Ruushku uu haatan abaabulayo illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka, ka dib khudbaddii uu madaxweyne Putin ka jeediyey telefiishanka, isaga oo Putin uu sheegay inuu isticmaali doono tallaabo kasta oo milateri oo habboonaata.

Duulimaadyada ka baxaya dalka Ruushka ayaa toddobaadkan u muuqda kuwo buuxdhaafay, sida laga soo xigtay shirkadaha duulimaadka iyo xafiisyada tikidhada jara, waxaana muuqda in dad badani ay dalka ka dhoofayaan.

AFP

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com