Kooxo Xag-jir ah oo 25-Qof ku Dilay Jaamacad ku taal Pakistan

Arbaco, Janaayo 20, 2016 (Daljir) —Weerar iyo Qarax lagu Qaaday Maanta Jaamacad ku taalla Woqooyi-galbeed dalka Pakistan ayaa lagu dilay in ka badan 25-qof, iyadoo 50-ruux in ka bandanna lagu dhaawacay, sida ay sheegeen ilo-wareeydo caafimaad iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Pakistan.
 
Jaamacadda Bacha Khan oo ku taalla magaalada Charsadda ayaa waxaa saaka aroortii hore weeraray kooxo hubeysan oo tiradoodu ay gaarayso illaa 12 qof, kuwaasoo ku furay rasaas ardayda iyo macallimiintii Jaamacaddaas ku sugnaa.
 
Taliye ku xigeenka ciidanka dambi-baaraha booliiska gobolka Khyber Pakhtunkhaw oo ay jaamacadu ku taallo, Saeed Wazir Khan ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen kooxda saakay weerartay jaamacdda ugu yaraan laba qof oo is-miidaamiyay.
 
Sidoo kale, afhayeen u hadlay kooxda Daalibaan ee dalka Pakistan, Mohammad Khorasani ayaa sheegay in kooxdiisa aysan wax lug ah ku lahayn weerarka lagu Qaaday Jaamacadda, isagoo sheegay in goobaha aan millatarig deggenayn aysan liiska ugu jirin inay weeraraan.
 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com