Kooxo Afgooye ka afduubtay wiil uu dhalay gudoomiyihii degmadaasi.

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay Degmadaasi lagu afduubtay Wiil dhalinyaro ah uu dhalay Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye Cabdullaahi Cabdi Axmed(Iideey).



Kooxo hubeesan oo indhaha soo xirtay ayaa xalay gurigiisa kala baxay Wiilka uu dhalay Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye, walina lama oga waxa ay ahaayeen kooxdaasi iyo halka ay la aadeen wiilka ay afduubteen.



Mas’uuliyiinta maamulka degmada Afgooye iyo kan gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wali ka hadlin afduubkan lasoo sheegayo in xalay loo geestay Wiil uu dhalay Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye .



Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca diall qorsheesan iyo falal kale oo amaan daro ay geestaan kooxo hubeesan, hasa ahaatee waxaa ku cusub in afduub uu ka dhaco Degmadaasi.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com