Kooxda kubadda kolayga Soomaaliya oo galabta ciyaar kala hor tagi doona kooxda kolayga keenya.

Daaru-salaam, Jan 26- Ciyaartoyda kubadda kolayga ee Soomaaliyeed oo xalay xalay guul darro dirqiya kala kulmay kooxdii matalaysay Ruwaanda ayaa isku diyaarinaya kulan ciyaar dhex marta Keenya.

Kooxda ayaa la filayaa inay galabta la ciyaaraan kooxda kubadda kolayga ee Keenya, waxaana hada socoto qaban qaabada ay Soomaalidu ugu jirto ciyaartaasi.

Boqolaal Soomaaliya oo ku sugan magaalooyinka waaweyn sida Daaru-salaam ayaa isku diyaarinaya sidii ay taageero u siin lahaayeen ciyaartoyda, maadaamaa ay cariirsanayaan kaalimaha hore ee tartankan

Maxamuud Maxamed Xasan (Kaafoow) ayaa daljir u sheegay inay wadaan abaabul iyo taabeero ballaaran oo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan kulanka Keenya.

Ciyaartoyda kubadda kolayga ee Soomaaliya horay ayay oga soo badiyeen kooxda matalaysa dalka Keenya.

Diiwaanka Wararka daljir

Warqabad

(S).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com