Kooxda Alshabaab oo werarary Deegaanka Baar-Sanguuni

Kooxda Alshabaab oo werarary Deegaanka Baar-Sanguuni

Saakay aroortii hoe ayaa rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaareen saldhig Ciidamada Dowladda Soomalaiya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa uu ku billowday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray, waxaana xigay dagaal toos ah oo Dagaalameyaal Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen Ciidankii fadhiyay Saldhigga baar sanguuni.

Dagaalkaas khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay,waxaana saraakiil ka tirsan Jubbaland ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii ay sakay waaberigii kusoo qaadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Majirto cid weli sirasmi ah u cadeysay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ka dhacay Baar-Sanguuni,hayeeshee waxa uu ku soo aadayaa xilli Madaxweynaha Jubbaland uu maalmahaan abaabul dagaal ka waday degmooyinka Afmadow iyo dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com