Kooxda Al-shabaab oo faragelinaysa dagaalada beelaha ku salaysan ee ka socda shabeelaha hoose

Baraawe, December 19, 2013 – Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya ayaa iclaamiyey faragelin ay ku samayn doonaan dagaalka beelaha ku salaysan ee ka socda gobolka shabeelaha hoose.

War ka soo baxay maamulka shabeelaha hoose ee Al-shabaab ayaa lagu shaaciyey inay kooxdu doonayso inay samayso dhexdhexaadin iyo faragelin ay ku qaboojinayso dagaalka.

Sheikh Abu cabdalla oo ah gudoomiyaha shabaab ee shabeelaha hoose ayaa warbaahintooda u sheegay in ay arkaan dhiig badan oo daadanaya ilaa haatana ayaa wax laga qaban, sidaas daraadeed ay kooxdu fulinayso waajibaad saaran.

Gudoomiyaha ayaa xusay inuu la kulmay xubno ka tirsan odoyaasha labbada dhinac ee dirirtu u dhexeyso. ?waxaan isku afgaranay inaan howsha galno oo dhex dhexaadin samayno, arintaas ayaan si wayn uga wada-hadalnay.?

Dhowr deegaan oo ka tirsan shabeelaha hoose waxaa ka socda dagaal ba?an oo hab beeleed ah isla markaasna ay dad badan ku dhinteen, dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalada in kastoo weli ay xiisado jirto

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com