Koox hubaysnayn oo rasaas ku furtay ciidamo ku sugnaa kontaroolka koonfureed ee Gaalkacyo

Ugu yaraan hal askati ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray rasaasta ay fureen  koox hubaysnayd  waxana dhaawaca askarta  la dhigay  Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii ay ismaan dhaafeen ciidamada Booliska ee kaantaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo , iyo kooxdii hubaysnayd .

Dablaydii hubaysnayd oo falkan gaysatay ayaa goobta ka baxsatay , waxaana soo gaaray goobta ciidamada amniga ee gobolka Mudug oo ku daba jira kooxdii weerarka gaysatay.

Majirto wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhanka maamulka iyo saraakiisha ciidamada amniga .

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Koox hubaysnayn oo rasaas ku furtay ciidamo ku sugnaa kontaroolka koonfureed ee Gaalkacyo”

  1. abti rariisoow

    aragti qofeed somaliya hogaan bay u baahantay dhab u fekera, marka sida ay tahay aan u hadalo, waxaa suuqa lasoo gashaday waxaan u baahanahay dad yar yar iyo noole aan lahayn wax khibrada habayaraatee ee jago adag oo u baahan qof rug cadaa ah layiri khayre baa u magacaabay ok khayre waa kuma maxaan ku naqiinay accademigee buu ka soo baxay aqoon nuucee ah buu wataa imisa sano buu leeyahay oo hogaamin ah ka hadli maayo adult school yuu u soo shaqeeyey maxaan ka ognahay taariikhdiisa soo jireeneed inta uu joogay goormuu wadanka kabaxay wax badan baa naga daahsoon, raga leh somaaliya yaanay bur burin dowlad goboleedyada, adeer ayagaa soo dhisay waxa aad u jeeedo magaran, ninkii lasoo daadihiyey ee ahaa kii shalay dembiilaha ahaa hadii aad tiraahdo garta asaga sii xaqiiqdana ka aleexo si adeerkaa meel meelaha kamida u maamulo wax sheeg waxaad doontana ku hadal laga fiican adeer,wxaan rabaa in aan ku tusaaleeyo noqo nin u hadla si alla ka cabsiya ama haku cadaab mudan inta aabaha wax u raadi isleedahay, lasoco oo somaliya ma aha ayad quraana iyo xadithunawi waa dad isu yimi waxa aan haboonayn qofi qaadan maayo.

U Jawaab abti rariisoow Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com