Site icon Radio Daljir

Koox hubaysan oo Bosaaso weerar ka gaysatay

Dabalay hubaysan ayaa magaalada Bosaaso ku weeraray gabaldhicii maanta sarkaal katirsan laanta Canshuuraha Berriga Puntland xili uu ku sugnaa bartamaha Suuq magaalada Boosaaso.

Kooxdii hubaysnayd ee weerarka soo qaaday iyo ilaaladii sarkaalka ayaa waxaa dhexmartay Israsaaseyn socotay daqiiqado kooban.

hal ruux oo la sheegay inuu kasoo jeedo Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya kuna sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu falka ka dhacay ayaa ku dhintay halkaas.

Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa dubadiiba goobta isga baxsaday,waxaana soo gaaray halka uu falkaasi ka dhacay ciidamada amniga ee gobolka Bari.

Todobaadkan horaantiisa ayay ahayd markii sidan oo kale koox hubaysan ay tacshiirad ku fureen labo askari oo katirsan ciidamada amniga ee gobolka Bari, halkaas oo mid kamid ah uu kudhintay tacshiiradaasi.
majirto cid loo soo qabtay weerarkaasi hore ee lagu qaaday labadaasi askari ee katirsanaa ciidamada amniga.

Iasla caawa fiidkii isgoyska Nedk oo ah halkii hore ee lagu rasaaseeyay todobaadkii hore askar katirsan ciidamada amniga gobolka Bari waxaa caawa lgu dilay askari kare oo ciidamada katirsan.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay weerarkan iyo kii ka horeeyay, balse kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ayaa intabadan gobolka Bari ka gaysajiray weeraro noocan oo kale ah.

 

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

Exit mobile version