Kooshin: Haddii aadan wanaagga Puntland war ka hayn aan maanta ku jahli bixiyo

Kooshin: Haddii aadan wanaagga Puntland war ka hayn aan maanta ku jahli bixiyo

Dad badan baa maqla ama ku sheekeysta xumaanta Puntland, laakiin xaqiiqadu taas ka duwan oo haddaba aan ku baro xaqiiqada dhabta ah oo dad badani aysan sheegin:

1. 1991-2020 Puntland waxay martigalisay kumannaan shacab ah oo ka soo hayaamay colaadihii Bartahama iyo Koonfurta Soomaaliya. Kuwaasi oo nolol, xorriyad, waxbarasho, shaqo iyo amniba ku helay, weli ku haysta, kuna baraaray

2. 2004-2008 Puntland waxay naf, maal, dhaqaale iyo dhiigba galisay hirgalinta dowladnimo Soomaaliyeed oo Federaal ah, waxay ku wayday wiilal badan, mana jirto yabooh ka weyn in qof Qarankiisa naftiisa u huro, halka Dekadda Boosaaso ay ahayd halbowlaha dhaqaale ee miisaaniyada u ahayd Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhan.

3. 2011-2012 Puntland waxay martigalisay Koobkii Ciyaaraha 15 Gobol oo Soomaaliya ah, shirweynihii Haweenka Soomaaliyeed, shirwaynihii Culumada Soomaaliyeed iyo shirarkii saldhiga u noqday Soomaaliya in ay ka baxdo KMG-nimo, heshiisna laga gaaro Dastuurka KMG ah, sida shirarkii “Garoowe ONE, Garoowe TWO iyo Gaalkacyo THREE”

4. 2005 Puntland waxay martigalisay qaxooti Soomaaliyeed oo boqolaal ah iyo qaxooti Yemen ka soo jeeda, kuwaasi oo nolol iyo deegaanba ay u hurtay. Ogoow culayska xajmigaas leh ma ay jirin cid garab iyo gacan ku siisay oo ISKUTASHI iyo dadaal bay ku hirgalisay

5. 2011-2020 Puntland waxay noqotay deeqbixiyihii ugu ballaarnaa oo kaalin mug weyn ka qaatay abaartii Soomaaliya ku dhufatay 2011-kii, masiibada qaraxii SOOBE ee 2017 iyo fatahaaddii Hiiraan ee Baledweyne 2019

6. 2018 Shacabka Puntland, waa haddii aadan ogeyn ama aad iska indhatireyso, soo ma ay ahayn kuwii Madaxweyne Farmaajo u sameeyay soodhaweyntii taariikhda gashay? Soo reer Puntland ma ay ahayn shacabkii Soomaalida baray macaanka dowladnimo iyo macnaha madaxda Qaranku dalka iyo dadka u leeyihiin?

Inkastoo aanan xusin waxyaabo kale oo mug iyo miisaan leh, hase ahaatee u maleyn mayo in uu jiro qof igu beenin kara 6-daas qodob oo Puntland kaliya gaar u ah? Mise jirtaa abaal intaas le’eg cid kale oo Soomaali ku sheegan karta?

FG: Qoraalka waxaa igu kalifay markaan arkay in ay badatay sawirka khaldan ee badi laga bixiyo Puntland, ilamana haboona in khilaaf siyaasadeed oo biriba laga hishiin doono in lagu cabbiro nooca ay Puntland tahay iyada oon xog’ogaal loo ahayn.


WQ: Maxamed Cabdullahi Cali Kooshin |  Email: [email protected]


 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com