Koonfur Galbeed oo Qaadacday Go’aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya

Koonfur Galbeed oo Qaadacday Go’aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu sheegay in uu ka soo horjeedo go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka ay ku sheegtay in dib loogu laabanayo dib u Doorashada 8 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasi oo Doorashadooda ay horey uga dhacday degaan Doorashooyinka dalka.

Wasiirka Hubka dhigista, Dhaqancelinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelaay) oo la hadlay Risaala ayaa sheegay mowqifka Koonfur Galbeed ay ka qabto arrintan in uu yahay mid ay kaga soo horjeedaan go’aankii Maxkamadda, ayna taageerayaan go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in aan dib loo dooraneyn Kuraastaasi.

Inta badan xildhibaanadan waxaa laga soo doortay degaanada Koonfur Galbeed, mar aan weydiinay Wasiirka sababta ay u difaacayaan xildhibaanada, ee ay ku diidayaan in dib loo doorto ayuu sheegay Xildhibaanada hada in ay si sax ah u gudanayaan shaqadooda, hadana ay matalaan shacabka Soomaaliyeed.

“Mowqifka ay ka qabto Dowladda Koonfur Galbeed go’aankii Maxkamadda Sare ayaa ah mid aan kaga soo horjeedno arrintaas, waxaan taageereynaa Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inaan dib loo dooraneyn 8-da kursi ee horey Doorashooda ay uga dhacday degaan Doorashooyinkeeda” Ayuu yiri Wasiirka

Dhanka kale Wasiirka Hubka dhigista, Dhaqancelinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay mudooyinkii dambe in ay isa soo tarayeen Dhalinyarada Shabaab ka tirsan ee isku soo dhiibaya Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gacmo furan ku soo dhaweeyaan Dhalinyarada Shabaabka ka tirsan ee isku soo dhiibaya Koonfur Galbeed, isaga oo Ciidanka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay kordhiyaan Howlgalada.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa horey uga soo horjeestay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka, wuxuuna taageeray Baarlamaanka oo sheegay inaan dib loo dooraneyn 8-da kursi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Horseed Media Gaalkacyo waa Magaalo Nabdoon dabcan wax way ka dhacaan, tan kale Gaalkacyo Baraxley Xaafad yar bay ka tahay oo wali dhinac xigta ereyga way qaybsan tahay dabcan waa Magaalo kala baran balse way ka gadidan tahay saas aad sheegteen Koonfur iyo waqooyo Kaantarooladeeda Puntland baa maamusha.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com