Koonfur Galbeed oo laga taageeray mowqifka Khaliijka ee dowladda (dhegayso)

Koonfur Galbeed oo laga taageeray mowqifka Khaliijka ee dowladda (dhegayso)

Xildhibaano katirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta ku kulmay magaalada Baydhabo ayaa siwayn u taageeray mowqifkii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka.

Xildhibaanada ayaa usoo jeediyay dowlad goboleedyada inay siyaasadda dibadda uga dambeeyaan dowladda dhexe, iyagoo raacaya dastuurka dalka sida ay sheegeen xildhibaanadii hadlay.

Khilaafka dowladaha Khaliijka ayaa ka abuuray gudaha Soomaaliya khilaaf u dhaxeeya dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyada, kadib markii ay badi dowlad goboleedyada kahor yimaadeen mowqifkii dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka oo ahaa door dhexdhexaad ah.

Halkan kadhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com