Koonfur Galbeed oo Gurmanaysa iyo Alshabaab oo Duulaan Ku ah Sh Mukhtaar Roobow

Koonfur Galbeed oo Gurmanaysa iyo Alshabaab oo Duulaan Ku ah Sh Mukhtaar Roobow

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalamayaal katirsan Al Shabaab ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah huggaamiyaha baxsadka ah ee Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur iyo ciidamo taabacsan oo u badan kuwa beeshiisa ka soo jeeda ayaa la rumeesan yahay in ay ku sugan yihiin deegaanka Abal oo kuyaala duleedka magaalada Xudur , waxaana deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku dhaw hada laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoogan.

Al Shabaab ayaa dhawaan ciidamo badan geysay deegaano ku dhaw halka uu joogo Afhayeenkii hore ee Kooxdaasi Abuu Mansuur, waxaana Ciidankaasi la qorsheeyay in ay weerar ku qaadaan halka uu joogo Abuu Mansuur oo laga yaabo in uu isku soo dhiibo dowlada Somalia.

Saraakiil sare oo katirsan Al Shabaab kana soo jeeda deegaanada Bay iyo Bakool ayaa la sheegay in Al Shabaab qorsheeyeen in ay hogaamiyaan howlgalka ka dhanka ah Abuu Mansuur, waxa ayna Al Shabaab dooneysaa in ay ka hortagto in Abuu Mansuur dowlada u galo.

Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan Liiska Argagaxisada ka saartay kuxigeenkii hore ee Amiirka Al Shabaab Abuu Mansuur sidoo kale horey usoo noqday Afhayeenka kooxdaasi, waxaana soo baxayay in Abuu Mansuur uu wadahadalo kula jiro Dowlada Soomaaliya lagan ayaabo in uu isku soo dhiibo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com