Koonfur Africa: Muwaadin somaliyeed oo dab lagu qabadsiyeey xaruntiisa Ganacsi

Koonfur Africa: Muwaadin somaliyeed oo dab lagu qabadsiyeey xaruntiisa Ganacsi

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in uu dab qabsaday dukaan uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ku yaalla wadada Elder Street ee Xaafadda Bonteheuwel.

Dabka ayaa waxaa uu sababay geerida Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmadeey Faraqajaan,waxana sidoo kale uu baabi’iyay inta badan hantidii taalay Dukaanka.

Haadi Ibnu Cabdiraxman oo ay ehel-wadaag ahaayeen Marxuumka, ayaa xaqiijiyey geeridiisa wuxuuna sheegay in ilaa iyo iminka aan la ogeyn waxa sababay Dabka Baa’biyey Dukaanka,hayeeshee ay baaris ku hayaan.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Xaafadda Bonteheuwel ee Magaalada Ceptown ayaa u gurmaday muwaadinka Soomaaliyeed, kuwaas oo isbitaalka ula cararay ka hor inta uusan geeriyoon, sidoo kale ay bad baadiyeen qeyb kamid ah hantida taallay Dukaanka.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka ugu daran ee lagu dhibaateeyo Soomalida, waxaana Gudaha dalkaasi lagu dilay Soomaali farabadan oo Ganacsi ahaan u tegay halkaasi.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com