Kisaas cusub oo Covid-19 ah oo laga helay Cadaado

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta laga helay kiisas Cusub oo Cudurka Coronavirus ah.

Maamulka Isbitaalka Guud ee Degmada Cadaado ayaa Warbaahinta xaqiijiyay in labo ruux laga helay Caabuqa Corona,kuwaas oo kamid ahaa Sagaal Ruux oo lagu soo baaray Sheybaar ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Sidoo kale Maamulka waxaa ay sheegeen in Labada ruux ay ka tirsanaayeen Shaqaalaha Isbitaalka guud ee Degmada,isla markaana baaritaano lagu sameeyay laga helay Cudurka.

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horay looga diiwaan geliyay kiisas la xiriira coronavirus,waxaana Saraakiisha Caafimaadka ay walaac ka muujiyeen in wax gurmad Caafimaad ah ka helin dowladda Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com