Kiisaskii ugu badnaa ee COVID-19 oo laga helay Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta tirada asbuucii la soo dhaafay ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 4,577 xaalado cusub oo COVID-19 ah asbuucii la soo dhaafay, 4 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 279 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (17), Puntland (8), gobalka Banaadir (9), Jubbaland (1) qof 26 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 9 ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 23,051 waxaa bogsootay 12,325 Ruux. guud ahaan 1,331 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka cudurka.
Tirada asbuucii la soo dhaafay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 23,051
o Laga Helay: 35
o Somaliland: 17
o Puntland: 8
o Banadir: 9
o Jubbaland: 1

o Lab: 26
o Dhedig: 9
o Bogsashada: 279
o Dhimasho: 4 (Somaliland:2, Puntland:1, Galmudug:1)
Tirada Guud ee Laga Helay: 23,051
Bogsashada Guud: 12,325
Dhimashada Guud: 1,331


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com