Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee 1da Luulyo 2017 (dhegayso)

Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee 1da Luulyo 2017 (dhegayso)

Xalay oo bisha luulyo ay ahayd 1 waxay ku beegnayd sanadguuradadii 57aad ee kasoo wareegtay markii gobolada koonfureed ee soomaaliya ay ka xuroobeen gumaysiga sanadkii 1960 kii isala markaana ay midoobeen gobolda koonfureed iyo gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya.

Xornimadu ma ahayn mid iska timid ee waxaa loo soo maraya halgan dheer waxaana noloshoodo ku waayey kumanaan iyo kumanaan Soomaaliyeed oo dhiigooda u huray sidii umadda Soomaaliyeed isaga dulqaadi lahayd heeryadii gumaystayaasha

Hadaba munaasibaado kala duwan oo lagu weynaynayo maalintaas ayaa lagu qabtay meelo badan oo ka mid ah dalka soomaaliya. Magaalada Xamar munaasibad si weyn loo soo qabanqaabiyey ayna ka qayb galeen madaxda dowlada federaalka ah ee soomaliya xildhibaano safiiro iyo marti sharaf kale ayaa waxaa halkaas khudbad ka jeediyey madaxweynaha dowlda Md maxamed cabdulahi farmaajo oo hambalyada munaasibada ka sokow ku dheeraaday ka hadalka halgamaashii soomaaliyeed ee dhiigooda usoo huray xoraynta dalka dadka soomaliyeed kuwaasoo halgamaa madax abwaano iyo fanaaniin waxaana hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka mid ahaa:

Halkan ka dhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com