Site icon Radio Daljir

Khilaaf ba’an iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan maamulka DDS

Xiisad siyaasadeed oo sababtay kacdoon saraakiil iyo siyaasiyiin, markii danbena dhalisay xarig iyo ciidamada Liyuu Booliska oo heeggan sare la galiyo ayaa maanta ka dhex aloosan maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS).

Xiisadda ayaa dhalatay kaddib markii xubno kamid ah hoggaanka sare ee Dowlad Deegaanku ay ka aragti duwanaadeen siyaasadda Md. Mustafe Muxumud Cumar Cagjar, Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Deegaanka.

Kala-aragti-duwanaanshaha oo aan raaligelin Madaxweyne Mustafe Cumar ayaa sababtay in xabsiga loo taxaabo barotokoolka Madaxwaynaha oo lagu magacaabo Bisle iyo hoggaanka nabadsugidda kililka DDS Cabdi Caadil.

Shir saacado ka socday madaxtooyada DDS oo aan weli la hubin waxa looga xaajooday iyo natiijada shirka  ayaa markii u shirku dhamaaday kabacdi, Kuxigeenka Kusimaha Madaxwaynaha DDS Aadan Faarax oo wata ciidan aad u hubeysan kana kooban Liyuu Booliska DDS ayaa u ambobaxay dhanka gobolka Sitti gaar ahaan magaalada Diredhawa. Lama oga ujeedada socdaalka Madaxweyne Kuxigeenka, waxaa se lala xiriirinayaa kacdoonka qaar kamid ah saraakiisha iyo siyaasiyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Daljir kala soco wararka xiisadda ka aloosan Jigjiga, Diredhawa iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

Back to Home page