Khilaaf ba’an iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan maamulka DDS

Khilaaf ba’an iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan maamulka DDS

Xiisad siyaasadeed oo sababtay kacdoon saraakiil iyo siyaasiyiin, markii danbena dhalisay xarig iyo ciidamada Liyuu Booliska oo heeggan sare la galiyo ayaa maanta ka dhex aloosan maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS).

Xiisadda ayaa dhalatay kaddib markii xubno kamid ah hoggaanka sare ee Dowlad Deegaanku ay ka aragti duwanaadeen siyaasadda Md. Mustafe Muxumud Cumar Cagjar, Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Deegaanka.

Kala-aragti-duwanaanshaha oo aan raaligelin Madaxweyne Mustafe Cumar ayaa sababtay in xabsiga loo taxaabo barotokoolka Madaxwaynaha oo lagu magacaabo Bisle iyo hoggaanka nabadsugidda kililka DDS Cabdi Caadil.

Shir saacado ka socday madaxtooyada DDS oo aan weli la hubin waxa looga xaajooday iyo natiijada shirka  ayaa markii u shirku dhamaaday kabacdi, Kuxigeenka Kusimaha Madaxwaynaha DDS Aadan Faarax oo wata ciidan aad u hubeysan kana kooban Liyuu Booliska DDS ayaa u ambobaxay dhanka gobolka Sitti gaar ahaan magaalada Diredhawa. Lama oga ujeedada socdaalka Madaxweyne Kuxigeenka, waxaa se lala xiriirinayaa kacdoonka qaar kamid ah saraakiisha iyo siyaasiyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Daljir kala soco wararka xiisadda ka aloosan Jigjiga, Diredhawa iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mustafe 4 years ago

    Tani waa mid lagu yaqaan
    Gumaystaha
    Iyo marka uu ku fashil wixii loo doortay ee ahaa in xuduudaha la sugo
    Lana qaysado itoobiyada kale in ay isku mashquul
    Iyagoo waxyarkoogu yaraa waa mid laga dabeeyo waayo maha dad xor ah oo iyagu isqabto balse cidkale ayaa laga kalo amar qaadan
    Tani kuma cusbo deegaanka

    Ninkasta sidii lagu keenay ayuu ku baxaa

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com