Kheyre oo u hambaliyeeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland

Kheyre oo u hambaliyeeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.

“Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday” ayuu yiri R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka iyo Masuuliyiinta Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.

Waxa uu intaas ku daray “Shacabka & mas’uuliyiinta Puntland waxaan ugu baaqayaa in lala shaqeeyo madaxwayne Siciid”.

Saciid Cabdulaahi Dani ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Puntland ee maanta ka dhacday Garoowe, isagoo Wareega Sedexaad helay 35-cod.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com