RW Kheyre muxuu u hakiyay heshiiskii hormarinta Garoowe, Kismayo & deegano kale oo Soomaaliya dhammaana USD 112 malyan?

Amar ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in dib-u-eegis lagu sameyn doono mashruuc hormarinta magaalooyinka dowlad goboleedyada iyo magaalada Muqdisho. Heshiiska ayaa xafiiska RW Kheyre laga sheegay in aan aysan deeganadu u sinneyn.

Heshiisyo hore oo ay maalgalisay dowladda Qadar laguna qiyaasay maal kor u dhaafaya USD 200 milyan ayaan laga qaybgalin dhammaan maamul goboleedyada, oo lagu koobay Muqdishu iyo Hirshabeele. Hishiisyadaas marna lagama hakin xafiiska RW Kheyre.

Heshiiskan hormarinta magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ee hadda laga hakiyey xafiiska RW Kheyre ayaa ku kacaya miisaaniyad dhan USD 112 malyan, noqoneysana magaalo kasta USD 28 malyan, ayna kala heleen magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com