Khayre oo safarkiisa Kismaayo u baajiyay aaska Wasiirkii Dastuurka

Khayre  oo safarkiisa Kismaayo u baajiyay aaska Wasiirkii Dastuurka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyay safar lagu waday in maanta oo Sabti ah ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, kaddib geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu u baaqday aaska Marxuum Xoosh oo lagu wado in meydkiisa loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddi wasiiro ah u magacaabay qaban qaabada aas qaran oo loo sameynayo Allaha u naxariistee C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Wararka ayaa sheegaya in maalinta berri lagu wado in meydkiisa la keeno magaalada Muqdisho, si loogu aaso.

Allaha u naxariistee C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka mid ahaa wasiirada ugu muhiimsanaa Xukuumadda, waxaa uu gacanta ku haya howlaha dib u eegista iyo qabyo tirka Dastuurka KMG ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com