Khasaare ka dhashay miino ka qaraxday wadajir iyo Dowlada oo sheegtay in ay dhinteen ragii waday

Muqdisho, July 23- 2013 – Degamada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxaa saaka ku dhintay saddex ruux kuwaasi oo ay miino la qaraxday, maamulka Dowlada ee degmadaasi ?ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey qaraxa miinada.

Wararka ka soo baxaya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxay sheegayaan in ay dhinteen saddex ruux, kuwaasi oo ay la qaraxday miino xili ay ku jireen gurriga ay ka deganayeen xaafada xalane ee degmada Wadajir.

Gudoomiye ku xigeenka wadajir Maxamuud Saney wuxuu sheegay in geeryoodeen saddex ruux oo uu ku tilmaamay dhagar qabayaal, wuxuu sheegay mudane Saney in ay ka tirsanaayeen kooxda al-shabaab kadibna ay miino la qaraxday, ?xili ay ku dhex diyaarinayeen gurrigooda oo ku yaala degmada wadajir

Waxaa kaloo jira khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dad rayid ah oo deganaa guryaha deriska la ah, gurriga ay miinadu ka qaraxday ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa halkaasi ka fuliyey howgalo kala gedisan oo lagu sugayo amniga guud ee degmada, waxaana sidoo kale goobta haatan ka socda howgalo lagu baarayo in ay jiraan weeraro kale oo la damacsanaa iyo miinooyin.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com