Khasaaraha weerar lagu qaaday dhismeyaaal dowladeed oo ku yaala Afgaanistaan oo kordhay

Khasaaraha weerar lagu qaaday dhismeyaaal dowladeed oo ku yaala Afgaanistaan oo kordhay

Khasaaraha dhimashada weerar saacad socday oo lagu qaaday dhisme ku yaala xarun dowladeed oo ku taala dalka Afgaanistaan ayaa korortay, waxaana dhimashadu ay gaaray 43 qof, sida ay sheegeen masuuliyiinta caafumaadka ee Afgaanistaan.

Boqolaal ruux ayaa laga soo saaray burburka guryaha soo dumay, halkaasi oo wasaaradda adeegga dadwaynaha iyo xafiisyo kalle oo ku yaalay dhismahaasi ay weerareen koox hubaysan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay ciidamada inay toogasho ku dileen sadex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, saraakiil boolis ayaana sidoo kalle ku geeriyooday weerarkan, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Najib Danish, waxaana intaasi uu ku daray dhaawaca inuu yahay ilaa iyo toban ruux.

Weerarka oo dhacay galabnimadii Isniinta ayaa yimid kadib markii qof iska soo miidaamiyay uu isku qarxiyay gaari yaala banaanka hore ee dhismaha wasaaradda howlaha adeegga ee dadwaynaha, waxaana koox hubaysan oo dhismaha gudaha u galay ay afduubteen dad dhismaha ku jiray.

Majirto cid sheegatay masuuliyadda weeerarkan oo weeraradii noocan oo kalle ee kahoreeyey ay sheegteen kooxda Daalibaan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE
    ISIS,PRO-ISRAELI.SUICIDE MISSION.
    ISIS THEY NEVER ATTACK ISRAELI!.WHY NOT? ISIS MADE IN ISRAELI.
    DID MOSSAD DO CHARLIE HEBDO!?
    EDWARD SNOWDEN SAY:OSAMA BINLADEN STILL ALIVE (BAHAMAS)!.mana dhiman lamana dilin,wuxuuna Ku noolyahay Jaziiradda BAHAMAS.
    YAA KA DANBEEYEY WEERARKII MARAYKANKA EE 11/9/2001?.(ISRAELI DID 9/11 & inside job)4000 JEWISH IS ABSENT 9/11!!WHY? QORSHAHA WEERARKA BAY LA SOCDEEN..19 HIJACKERS STILL ALIVE,19 WIILA WAA NOOLYIHIIN QAARKOOD BAALASOO HELEY IYAGOO NOOL.WEERARKAASINA BAY RIMUUT BUU AHAA & MIINO LAGU QARXIYEYDAARIHII,PENTIGONKANA DIYAARAD KUMA DHICINE QARAX BUU AHAA.
    WAA QORSHIHII BUSH,DIG JENI & RAMASFIIL INSIDE JOB

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com