HomeUncategorized

Khasaaraha Qarax Muqdisho ka Dhacay oo Kordhay

Talaado, Abriil 21, 2015 (Daljir) — Ugu yaraan 12-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo duhurnimadii maanta ku qarxay illinka hore maqaayad lagu magacaabo Banoda oo cunnada laga cuno oo kasoo horjeedda Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Maamulka Jubba oo ciidamada uga digay in lug ku yeeshaan dhulalka la isku haysto ee Kismaayo
Wasaarada arrimaha gudaha ee Puntland oo soo bandhigtay buug qeexaya hannaanka wax iibsiga ee dawladaha hoose ee Puntland.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ku baaq in dagaal Alshabab loo midoobo.

Talaado, Abriil 21, 2015 (Daljir) — Ugu yaraan 12-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo duhurnimadii maanta ku qarxay illinka hore maqaayad lagu magacaabo Banoda oo cunnada laga cuno oo kasoo horjeedda Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaan la ogeyn dhimashada iyo dhaawaca rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay lagu arkayo dhiig badan oo daadsa, iyadoo ay halkaas gaareen ciidammo fara badan oo kuwa dowladda Somalia ka tirsan.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa goobtaas lagu arkayay, iyadoo qaadaya maydadka iyo dhaawacyadii ka dhashay qaraxan oo firirkiisu ay gaareen meelo fog, waxaana goobta ku sugnaa xilliga uu qaraxu dhacayay dad aad u fara badan oo qaarkood cunteynayay.

\”Waxaan illaa hadda qaadnay maydadka 11-ruux iyo dhaawaca labaatameeyo kale, welina wuu socdaa gurmadkii aan u fidinayay dadka ay dhibaatadu soo gaartay,\” ayuu yiri mid ka mid ah darawallada wada gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho.

Sidoo kale, qaraxan ayaa dhacay xilli maanta aad loo adkeeyay ammaanka Muqdisho; mana jirto weli cid sheegatay mas\’uuliyadda qaraxan, inkastoo qaraxyada Muqdisho ka dhaca ay inta badan sheegato Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Hotel Central ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay qaraxyo sababay dhimashada iyo dhaawacyada xubno ka tisran dowladda federaalka Somalia iyo shacab halkaas salaad ku tukanayay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: