HomeUncategorized

Khasaaraha ka dhashay Carra-kaawo xoogsato ku duntay Muqdisho oo sii kordhaysa iyo baaris socota

Muqdisho, September 20, 2013 - Khasaaraha ka dhashay caro-kaawo duntay ayaa sii kordhaya gudaha Muqdisho, tirada dadka dhintay ayaa sida la xaqiijiyey haatan maraysa 16 ruux iyo dhaawaca saddex ruux.

Agaasimihii wasaarradda amnigga Putland oo is-casiley.
Dowladda Somalia oo War ka soo Saartay shir looga Hadlayay Maaliyadda dalka
(Dhagayso) Duqa Laascaanood oo cabasho wayn ka muujiyay adeegyada aasaasiga u ah nolasha bulshada gobolka Sool

Muqdisho, September 20, 2013 – Khasaaraha ka dhashay caro-kaawo duntay ayaa sii kordhaya gudaha Muqdisho, tirada dadka dhintay ayaa sida la xaqiijiyey haatan maraysa 16 ruux iyo dhaawaca saddex ruux oo xaaladoodu halis tahay, in kastoo ay weli socdaan baaritaano.

Goobtan laga qodo Carro-kaawada loo isticmaalo dhismaha guryaha ayaa ku taala duleedka Bari ee degmada Kaaraan, ciida ayaa ku duntay xoogsato ka shaqayn jiray goobta, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay tirada dadka la helay meydadkooda.

Duqa Kaaran Cali Calasow oo warbaahinta gudaha la hadlay, waxaa uu sheegay in dadka degmada iyo Cagafyo waa weyn ay soo saareen meydadka 16 ruux, sidoo kale waxaa uu shaaciyey in uu jiro tuhun laga qabo in dad kale ay weli ciida ku jiraan oo baaris ku socoto.

Carra-kaawada ayaa dadka ku duntay duhurnimadii shalay, haatan waxaa dhaawcyadii lagu dabiibayaa Cisbitalka Kaysaley ee degmada Kaaraan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: