Site icon Radio Daljir

Kenya oo xayiraad saartay duullimaayada Kismaayo

Dowladda Kenya ayaa amar cusub ku soo rogtay diyaaradaha ka duuli jiray Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo islamarkaana toos u tagi jiray magaalada Nairobi ee caasimadda Waddanka Kenya.

Hay’adda Duullimaadka rayidka Kenya ayaa sheegtay in diyaaradaha ka duula Garoonka Kismaayo looga baahanyahay in ay maraan Wajeer si halkaas loogu marsiiyo baaritaan dhinaca amaanka ah.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kaddib markii 14kii Bishii la soo dhaafay Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen heshiis ay qodobadiisa ka mid ahaayeen dib u billaabidda duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in dhamaan Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho ay maraan Wajeer si halkaas baaritaan loogu sameeyo.

Agaasimaha Hay’adda duullimaadyada rayidka ee Kenya Gilbert Kibe, ayaa sheegay in dhamaan duullimaadyada aan ka baxeyn Muqdisho marayaan Wajeer taasina tahay amar ka soo baxay Uhuru Kenyatta oo ay hay’addoodu fulineyso.

Intii uu jiray Khilaafka dowladda Federaalka ah iyo Kenya, diyaaradaha ka baxa Kismaayo waxaa ay si toos ah uga dagi jireen Nairobi,waxaana dowladda Kenya sheegtay in hadda laga doonayo in ay maraan Wajeer si loo baaro.

 

Exit mobile version