Kenya oo xayiraad saartay duullimaayada Kismaayo

Dowladda Kenya ayaa amar cusub ku soo rogtay diyaaradaha ka duuli jiray Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo islamarkaana toos u tagi jiray magaalada Nairobi ee caasimadda Waddanka Kenya.

Hay’adda Duullimaadka rayidka Kenya ayaa sheegtay in diyaaradaha ka duula Garoonka Kismaayo looga baahanyahay in ay maraan Wajeer si halkaas loogu marsiiyo baaritaan dhinaca amaanka ah.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kaddib markii 14kii Bishii la soo dhaafay Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen heshiis ay qodobadiisa ka mid ahaayeen dib u billaabidda duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in dhamaan Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho ay maraan Wajeer si halkaas baaritaan loogu sameeyo.

Agaasimaha Hay’adda duullimaadyada rayidka ee Kenya Gilbert Kibe, ayaa sheegay in dhamaan duullimaadyada aan ka baxeyn Muqdisho marayaan Wajeer taasina tahay amar ka soo baxay Uhuru Kenyatta oo ay hay’addoodu fulineyso.

Intii uu jiray Khilaafka dowladda Federaalka ah iyo Kenya, diyaaradaha ka baxa Kismaayo waxaa ay si toos ah uga dagi jireen Nairobi,waxaana dowladda Kenya sheegtay in hadda laga doonayo in ay maraan Wajeer si loo baaro.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

6 responses to “Kenya oo xayiraad saartay duullimaayada Kismaayo”

  1. Lamayaqaan

    Ader macan waxan jeclahay basro is soo dir

  2. Lamayaqaan

    Waxan leenahay dadka muslimiinta ah ilaashada dhaqankiina iyo diintiina allhna halaga baqo walaalayal abdiqani ader is kadaa sinada iyo gabdhaha yar yar oo aad wasto haben walba sida Sara salaadana tuko ader allhna kabaq

  3. Lamayaqaan

    Cadirahman abdi Shakur waxa uu cayay diintiisi iyo culimadisi si uu ugu helo kursi Waxman ubeniyay xadiis yadiisii

  4. Lamayaqaan

    Waa rain layaableh tan dhacday manta

  5. Mohamud Kampala

    Waa rain aad u ficn hishiisyada ay kala saxixden madaxwaynayaashu

  6. NuurkaNederland

    MA IS TIRI KENYA CAMAL SIYAASADEED BAYNU U NOQONAY!!?.
    MARKUU UHURU KENYATI-ga ADOONKA SAWAAXILIGA AH EE GORILAHA AHI UU SOO SAKHRAAMABA SOMALIYA UUN BUU KA DHEX ARKAYAA!!!!!!!.
    UHURU WAA DAANYEER SAKHRAANSAN!!!WUXUUNA U DHAQMAYAA SIDII GORILE KU NOOL KAYN CAGAARAN DHEXDEEDA!!!!!!.

U Jawaab Mohamud Kampala Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com